Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga dib u eegida Dastuurka oo war kasoo saaray hadallada aaddan Dastuurka Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dastururka_Dalka.jpg?resize=832%2C460
Muqdisho (PP) ─
War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga la socodka dib u eegista iyo hir-gelinta Dastuurka ayaa lagu sheegay in Dastuurka hadda sida KMG ah loogu shaqeeyo yahay kan saxda ah ee lagu soo dhisay Hay’adaha Dowladda.

Guddigu waxay sheegeen in dastuurkan yahay kii saxda ahaa ee ay ergadu ansixiyeen sannadkii 2012-kii, iyagoo meesha ka saaray in dastuurkii saxda ahaa yahay midkii toddobaadkii hore loo qaybiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay inay shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaan in dastuurka hadda lagu dhaqmayo yahay kan saxda ah ee hay’adda Dowladda lagu soo dhisay.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somalia C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa horay u sheegay in la xaday dastuurkii saxda ahaa ee ay ergadu ansixiyeen, balse maalmo kaddib ayaa la sheegay in la helay.

Ugu dambeyn, Baraha bulshada ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa la isku weydaarsanayay hadallo ku aaddan dastuurka la xalay ee la sheegay iyo kaasoo la sheegay in dib loo helay.

Haddaba, AKHRISO War-saxaafadeedka kasoo baxay Guddiga Dastuurka;
Dastuurka.jpg?resize=629%2C878

PUNTLAND POST

The post Guddiga dib u eegida Dastuurka oo war kasoo saaray hadallada aaddan Dastuurka Dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this