Deeq A. Posted April 28, 2018 Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah. Qaraxaan oo ahaa nooca ismiidaaminta ah ayaa la la eegtay Masuuliyiin katirsan Ciidamada isku dhafka ah ee Gobolka Mudug. Qof isi soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay meel ay ku sugnaayeen Taliyaashaan ciidamada isku dhafka ah. Waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Taliyihii ciidamada isku dhafka Cor Xoreeya iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabo Cabdi Qani Axmed Qeyre. Sidoo kale askar iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi sida ay sheegeen wariyaal iyo goobjoogayaal ku sugan Gaalkacyo. Qaraxa ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Jiiro Cabdullaahi Yuusuf waxaana goobtaasi gaaray ciidamo katirsan kuwo amniga. Faah Faahinta qaraxa dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaal-kacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites