Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war kasoo saaray Amniga Somalia & Sida looga itaal roonaan lahaa Xagjiriinta Somalia ee al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowlada Somalia ay u baahan tahay in si wada jira looga taageero amniga guud ee dalka.

Waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in xal amni loo helo dalka Somalia, si looga saaro dhammaan haraadiga maleeshiyaadka al-Shabaab ee weli ku harsan gudaha iyo daafaha dalka.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in taageerida dowlada Somalia ay soo afmeereyso dagaalada iyo dhibta ay maleeshiyaadka ka geysanayaan dalka.

Ku-xigeenka Kaaliyaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Donald Yukio Yamamoto, ayaa sheegay in lagu jiro xiligii Africa laga ciribtiri lahaa Al-Shabaab iyo Daacish.

Donald Yukio Yamamoto, waxa uu tilmaamay Dalalka Somalia iyo Koofur Sudan in ay muhiim tahay in laga kaalmeeyo sugidda amniga iyo dib usoo celinta Xasiloonidooda.

Mr Donald Yukio Yamamoto, ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu ku qabtay magaalada Jabuuti waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inay muhiim tahay in dowladda Mareykanka qudheeda ay laba jibaari doonto taageeradda ay siiso dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

Dhinaca kale, Donald Yukio Yamamoto, ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay la imaado isbedel iyo dadaalo dheeri ah, si ay u hirgasho in laga guuleysto waxa uu ugu yeeray argagixisada Somalia ee al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this