Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Abdilahi omaar oo ku geeriyooday magaalada hargeysa

Recommended Posts

Ilahay ha oo naxariisto wa odaygii dhalay...

Rage omar iyo raqiya omar iyo Wasiirka haatan oo ah wasiiral khariye Maxamad cabilahi oomaar ..

ayaa goordhawayd ku geeriiyooday magaalada hargeysa somaliland..

 

 

Ilahay ha oo naxariisto

Share this post


Link to post
Share on other sites

From the bottom of my heart i wish all the relatives/friends/fa milies of the deceased Naxariis in illah ka siiyo geerida ku timid abdullahi omar,specially i want convey this to my best friends the death of their uncle.God bless him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

yes may allah bless his soul , and ilahay samiir iyo imaan ha ka siiyo qoissaskii oo ka geeriiyooday . Ninka caanka Ah Cabdilahi omaar

 

amiin..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

INALILAH wa INAILLAHI rajicuun

 

ILAAHAY naxariistii jano ha siiyo.

 

He was sick for awhile....

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Allah yaa arxamu reerkisana samir iyo iman ilaahay ha ka siiyo.. The man left a remarkable family which all somalis cherish regardless of place of origin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oday Cabdilaahi Oomaar Cawaale Oo Maanta lagu Aasayo Hargeysa

June 8th, 2009

 

 

 

Alle ha u naxariistee waxa shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Oday Cabdilaahi Oomaar Cawaale oo ka mid ahaa Odayaasha reer Hargeysa ee caanka ahaa, isla markaana siyaasadda iyo ganacsigaba aad loogu yaqaayay.

 

 

 

Marxuumka oo maanta lagu aasi doono magaalada Hargeysa ayaa waxa dhambaalo tacsi ah u diray qoyskiisii Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo Ilaahay uga barayay Marxuunka inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyskiisii iyo shacbiga Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

 

 

 

Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeen ka kowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaga oo ku hadlayey magaciisa iyo magaca xisbiga KULMIYE wuxuu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Cabdillaahi Oomaar Cawaale, waxaanu Ilaahay uga baryay inuu naxariistii fardawsa ka waraabiyo qoskii iyo shacbiga reer Somaliland-na guddo iyo dibadba samir iyo iimaan ka siiyo.

 

 

 

Aaska Marxuumka waxa ka qeybgeli doona qaar ka mid ah carruurta uu dhalay sida Weriyaha caanka ah ee ka hawlgala Telefishinka AL-Jazira Raage Cabdilaahi Oomaar iyo Raaqiya Cabdillaahi Oomaar, waxaanse ka qeybgalayn aaskan wiil uu dhalay marxuumku oo dawlada Sheekh Sharriif ee dalka Soomaaliya xilka Wasiirka Arrimaha Dibada ka haya, kaas oo imaantinkiisa ay ishortaagtay xukuumadda Somaliland oo ku hanjabtay inay xabsiga u taxaabayso haddii yimaado Somaliland isaga oo aan ka tanaasulin mabda’a Somali-weyn.

 

 

 

Bahda Jamhuuriya Media Group waxay tacsi u dirayaan qoyska, ehelada, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuun Cabdillaahi Oomaar Cawaale oo ahaa oday miisaan leh, waxaanay Marxuunka Ilaahay uga baryayaan inuu Jannadiisa ka waraabiyo qoyska, ehelada iyo ummadda Somaliland samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.

 

 

 

 

 

Xigasho: Jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this