Deeq A. Posted April 27, 2018 Deegaanka Lowya-Caddo oo u dhaxeeya Xadka Somalia la wadaago dalka Jabuuti waxaa booqday Agaasimaha Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan(koofi) balse waxaa booqashadaas beeniyey Maamulka Soomaaliland. Warbaahinta dowladda iyo Baraha Bulshada ayaa lagu soo bandhigay Sawirrada Agaasime Koofi oo ku sugan deegaanka Lowya-cadde laakin Soomaaliland ayaa sheegtay in aan waxba ka jirin oo la iska dhahay. Taliyaha Waaxda Socdaalka Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in Xaduudkooda ay ku sugan yihiin Ciidamadooda iyo masuuliyiin ka socda laanta Socdaalka Soomaaliland, isla markaana uusan imaan Karin masuul ka socda Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay kala dhaxeyso isjiid-jiid Siyaasadeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites