Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo xariga Boqor Buur-Madow Oo ka dhacay Burco

Recommended Posts

Deeq A.   

Burco ( Sh. M. Network )-Dibadbaxyo xoogan oo looga soo horjeeday xukunka xariga ah ee shalay Soomaaliland ay ku riday Boqor Cismaan Aw Maxamuud “Boqor Buur-Madow’ ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco gobolka Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya.

Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay gudaha magaaladaasi iyo nawaaxigeeda ayaa waxa ay dareenkooda ku muujinayeen, sida ay uga xun yihiin xariga Boqorkaasi.

Waxaana dibadbaxayaashu ay ku qeylinayeen erayo ka dhan ah madaxda sare ee maamulka Soomaalilnad.

Maxkamadda Hargeysa ayaa shalay xukun 5 Sano oo xabsi ah ku riday Boqor Buur-Madow oo si weyn looga yaqaano deegaanada Soomaaliland.

Waxaana lagu eedeeyay in uu waday arrimo ka dhan ah jiritaanka Soomaaliland iyo in uu tagay ogolaansho la’aan deegaanada maamulka Puntland.

15-kii bishan ayey ahayd markii sidan oo kale S/land ay xukun ugu riday Naciimo Axmed Qorane oo lagu eedeeyay Qaran dumis, taas oo lagu xukumay 3-Sano oo xabsi ah.

The post Dibadbaxyo looga soo horjeedo xariga Boqor Buur-Madow Oo ka dhacay Burco appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this