Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday gaadiid ay la socdeen ciidamo cadaan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerar xoogan ku qaaden kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil iyo ciidamo isugu jira Mareykan iyo Kenyaan.

Maleeshiyada ayaa sheegtay in weerarka uu ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaa oo ka dhashay khasaaro kala duwan.

Qoraal ay soo saaren maleeshiyaadka ayaa waxa ay ku sheegen in weerarkaasi uu ku bilowday qarax, intaasi kadibna uu xigay dagaal socday mudo ka badan Saacad.

Maleeshiyada ayaa sheegtay in inta uu socday weerarka ay burburiyeen gaari nuuca Gaashaaman oo ay la socdeen ciidamo caddaan ah, isla markaana qarax ay kula eegtay meel ku dhow degaanka Buula Gaduud oo qiyaastii 30-KM ujira magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa baahisay in khasaare xooggan Ciidamada huwanta ah lagu gaarsiiyay dagaalka ka dhacay meel ku dhow Buula Guduud.

Sidoo kale, Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsaday dagaalka, inkastoo aanan la ogaan karin khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka dhashay, haddana dhinacyadii dagaalamay mid kasta guulo ayuu sheeganayaa.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada ay dileen laba ka mid ah raggii Shabaabka ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday, isaga oo intaasi ku daray in ciidamada Jubbaland hal Askari uu kaga dhintay dagaalkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this