Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaarada Amniga oo Beenisay in Hubkii Imaaraadka Carabta lagu iibinayo Suuqyada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warar ku saabsan in hubkii imaaraadka carabta lagu iibinayo Suuqyadda Madow ee Magaaladda Muqdisho.

C/casiis Cali Ibraahim Xildhibaan Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo la hadlay idacadda VOA-da ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin.

Afhayeenka ayaa xusay inay faafinayaan wararka ku saabsan in hubkii imaaraadka lagu iibsanayo Suuqyadda Muqdisho shaqsiyaad ka soo hojeeda in hanaan dowladnimo uu ka hana qaado Somalia.

Waxaa uu qiray in Magaaladda Muqdisho iyo qeybo kale oo Soomaaliya ka tirsan ay ka jiraan suuqyo lagu kala gato hubka oo qarsoodi ah, wax ogolaansho ahna aan ka heysanin dowlada.

Dhanka kale C/casiis Xildhibaan ayaa uga digay ragga reuters wararka uga dira Magaaladda Muqdisho waxyaabaha ay baahinayaan ee been abuurka ah,wuxuuna ka dalbaday in ay keeneen cadeymo.

Sida ay qortay shalay wakaalada wararka ee Reuters ugu yaraan 600 oo hub ayaa laga xaday todobaadkii hore xeradii imaaradku ay ku tababarayeen Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya ee General Gorden taa oo ku taala Dagmada Hodon Ee Gobalka Banaadir.

PUNTLAND POST

The post Wasaarada Amniga oo Beenisay in Hubkii Imaaraadka Carabta lagu iibinayo Suuqyada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this