Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Puntland oo eedeyn cusub oo yaab leh u jeedisay madaxda DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa eedeyn cusub u jeediyey madaxda dowladda Soomaaliya, ayaga oo sheegay inaysan dhab ka ahayn la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey, Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo ka qeyb galayay shirkii looga hadlayay amniga ee ka dhacay Magalada Garoowe ayaa sheegay hadalkaan isaga oo eedeyn u jeediyey madaxda dalka.

Mudane Cameey  ayaa sheegay inay Muhiim tahay in Laga wada hadlo waxii dan u ah Shacabka , oo dhanka Amaanka si wada jir ah Looga wada shaqeeyo, waxaana uu tilmaamay in la dabagalo shirarkii kan ka horeeyay waxa ka hirgalay.

Waxa uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Puntland in Madaxda Soomaaliyeed ay ka gaabisay in Soomaaliya lagu soo dabaalo Amni maadaama umada Soomaaliyeed waxa ugu horeeya ee baahida ay uqabto ay tahay in Amni lahelo,isla markaana ay dhibaato ku hayaan Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxwayne ku xigeenka Puntland

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/04/Cabdi-xakiin-cameey.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this