Sign in to follow this  
Deeq A.

Hub laga bililiqaystay xerada Gen.Gordan ee Imaraadka Carbatu ka guuray oo lagu kala iibsanayo Gudaha Muqdisho 

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeeni hore ku sheegnay dowlada Imaaraadka Carabta ayaa gudaha magaalada Muqdisho ku fasaxday Hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo qasdiga Hubkaasi lagu sheegay qalqal galin amni.

Hubka oo u badnaa nooca loo yaqaan AK47, Bastoolado,Rasaas iyo PKM, ayaa waxaa lagu arkayaa suuqyada magaalada Muqdisho kuwooda lagu kala iibsado Hubka sharci darada ah.

Qaar kamid ah Hubka oo ay la baxsadeen ciidamada uu tababaray Imaaraadka, kuwo la bililaqeystay iyo kuwo si ku tallo gal ah loogu dhex fasaxay magaalada ayaa waxaa iminka lagu kala iibinayaa suuqyada Hubka sida Cirtoogte iyo Zoobe oo ah eeryo ay degan yihiin ciidamada Imaaraadka ee iminka ay la wareegtay dowlada.

Hubka ugu badan ayaa lagala baxay Xerada Gen. Gordano oo ay ku jireen Ciidanka Imaaraadka, taa oo ku taal degmada Hodan, waxaana iminka si caadi ah loogu kala daabulayaa Jawaano iyo gaadiidka noocyada raaxada oo lagu geynaayo goobaha lagu kala iibiyo.

Ilo wareedyo ka tirsan laamaha amaanka ayaa sheegaya inay jirto cabsi ah in Hubka qaarkii uu gaaray maleeshiyaadka al-Shabaab.

Imaaraadka ayaa tababaray Ciidan aad u faraban oo danaha Qaranka ka hormariyay tan dowlada Imaaraadka, waxaana xusid mudan in xiliyada ay dhacaan Howlgalada ay dadka u sheegan inay yihiin ciidamo Imaaraad ah.

HOOS KA DAAWO HUBKII LAGA BILILIQEYSTAY XERADII IMAARAATKA OO SUUQYADA MUQDISHO LAGU KALA IIBSANAYO

31292837_2086801094931696_6193375126686499360_n.jpg?_nc_cat=0&oh=086368d0346ed582dc9505d7191cc1ad&oe=5B97E3F7

31242140_2086801121598360_9179609484242999297_n.jpg?_nc_cat=0&oh=222dcf9973b948ec46211cfd34486ec9&oe=5B643F2B

Image may contain: one or more people

No automatic alt text available.

Image may contain: one or more people

uploaded-file-66486

Natiijada sawirka Hubka imaaraadka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deeq A.   
Hub laga bililiqaystay xerada Gen.Gordan ee Imaraadka Carbatu ka guuray oo lagu kala iibsanayo Gudaha Muqdisho
2018425636602673430566731201842563660262

 Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa laga soo xigtay warbixin ku saabsan in ay jiraan hub laga soo xaday dugsigii tababarka Imaaraadka Carabta Jen Gordan oo maalin ka hor iska horimaad ku dhaxmaray ciidamada Soomaaliya.

Ilaa 600 oo Qori oo ah nooca AK47 gaar ahaan kuwa Shiinaha lagu farsameeyo ayaa la arkay iyaga oo lagu kala iibsanayo suuqyada magaalada Muqdisho sida ay wakaalada u sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada hubka ee magaalada Muqdisho.

hub.jpg

Sidoo kale Wakaalada Reuters ayaa warbixinteeda ku sheegtay Qoryahan oo qaarkood ay cusub yihiin in hada lagu iibinayo Suuqyo furan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, aysana qabin wax cabsi ama walwal ah oo ku aadan in laga daba yimaado dadka hubkan iibinaya.

Sida ay sheegeen rag ka mid ah ganacsatada hubka waxaa gacanta u galay hub u badan qoryaha AK-47 oo dalka Shiinaha lagu soo farsmayeeyay kuwaasoo ay ku iibsadeen lacag gaadheysa $700 ayna ku iibinayaan $1000 sida uu u sheegay wakaalada wararka Reuters mid kamid ah ganacsatada hubka ee magaalada Muqdisho.

 2018425636602673817331824201842563660263

Ganacsatada Suuqyada Magaalada Muqdisho ku iibineysa Hubka ayaa waxa ay markoodii hore qiimo jaban Hubka uga soo iibsadeen Askar ka tirsan ciidamada Milateriga Somalia, waxaana Qoryaha ku dul qoran (SO XDS-2017).

Sawirrada ay qaaday Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa muujinaya Qoryo cusub oo Jawaano lagu soo dhex riday, keliya la soo muujiyay afka hore.

Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya Jen Cabdiwali Jaamac Gorod ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu ka hortageen sida uu hadalka u dhigay ciidamo kale oo ka tirsan dowladda oo isku dayay in ay jabsadaan keydka hubka xerada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waayadii ugu danbeeyay xafiiskiisa shaqo u Wareejiyay wasaaradda gaashaandhigga isaga oo marar kala duwanna booqday xerada Jen Gordan ee Hubka laga bililiqaystay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this