Deeq A. Posted April 25, 2018 Wararka ka imaanayaa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA). Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamuud Buulle(Xamaada) ayaa laba dhalinyaro ah oo baastoolado ku hubaysan ku dileen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir,sida ay xaqiijisay warbaahinta Maxalliga ah ee Muqdisho. Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday,waxaana halkaasi ka socda hawlgal ay ciidamadu ku baarayaan xaafadaha degmadaasi. Weli ma jirto cid sheegatay dilka sarkaalkan,hayeeshe ururka Al-shabaab ayaa ku caan ah weerarada qorshaysan ee lagu beegsado mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada ee magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsanaa NISA oo Muqdisho lagu dilay. appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites