Sign in to follow this  
Deeq A.

Sh. Xasan Daahir oo si kulul u weeraray Al-shabaab kana hadlay Waayihii Al-shaab iyo Sh. Mukhtaar Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Fariin uu soo duubay Sheikh Hassan Daahir oo la soo gaarsiiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si dheer uga hadlay Xaaladda amni ee Soomaaliya iyo Arimaha Siyaasadda.

Fariinta Sheikh Hassan Daahir oo socatay 53 daqiiqo ayaa waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ugu weyn Dilalka Al-shabaab ay ka fuliyaan Soomaaliya ee loo geesto dadka muhiimka u ah hogaanka Bulshada iyo Waayihii Al-shaab iyo Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur.

Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in wax laga xumaad ay tahay in la dilo culimada, indha garadka, Odayaasha iyo ganacsatada, wuxuuna sheegay inay marka ay arrinta halkaas mareyso ay tahay inaan wax la is dhaamin khaladaadkana uu sii badan doono.

Wuxuu sheegay in Abuu Mansuur uu Al-Shabaab ka caawiyey inay qabsadaan meelo badan, wuxuuna sheegay in lagu abaal dhacay isagoo Cali Dheere ku cambaareeyey hadalkii uu ku sheegay inuu  Abuu Mansuur diinka ka baxay.

” Bal Cali Dheere wuxuu meelaha la caac lahaa buu Mansuur waa ridoobay, qofkii ka hor imaado Al-Shabaab ma gaalbaa, xataa qofka haddii uu Khilaafada islaamka ka hor imaado diinta miyuu ka baxay, Abuu Mansuur waa ninkii gacanta idiin soo geliyey gobolada Bakool, Bay iyo Hiiraan, dadka isaga aad u galeysaan iyo sidii rasuulka u geli jiray isma lahan, abaal ma lihidiin”

Wuxuu Al-Shabaab ugu baaqay inay wax badan ka badalaan istaraatiijiyadooda dagaal, isagoo ka digay inay Soomaaliya u hoggaamiyaan meel halkaan kasii daran.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Shiikh Mukhtaar Roobow oo ay Warbixin ka sameysay idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/04/warbixin-Xuseen-Cabdulle-iyo-Shiikh-Xasan-Daahir-Aweys-.mp3

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this