Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku soo bandhigay nin ka tirsanaa kooxda Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay xubin la sheegay in uu ka tirsanaan jiray Al-Shabaab haddana uu ka mid yahay Kooxda Daacish.

Ciidamada Booliska ay waxa ay sheegeen in gacanta lagu soo dhigay Jaamac Xuseen Xasan oo lagu eedeynayo in uu horay uga tirsanaa Al-Shabaab.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in gacanta lagu soo dhigay xilli uu ku howlanaa aaska Miino dhulka la galiyo.

Ninkaan oo Magaciisa lagu sheegay Jaamac Xuseen Xasan ayaa booliska Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in uu horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse markii dambe uu ku biiray Kooxda Daaciish oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya kana dagaalanta Wadamada Siiriya iyo Ciraaq.

Jaamac Xuseen Xasan oo ah Ninka lagu eedeeyey in uu ka tirsanaa  Daacish ayaa Warbaahinta waxa uu u faah faahiyey halka laga soo qabtay iyo waqtigii uu ku biiray kooxda Daacish,waxa uuna sheegay in uu ka yimid Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Eedeysanaha oo Warbaahinta la hadlay sheegay in uu ka tirsan yahay Kooxda Daacish horayna uu uga tirsanaa Al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this