Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsi laga qabo weeraro halis kadib markii Shabaab ay heleen sun halis ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno la aaminsanyahay inay ka tirsanyihiin Al-Shaabaab ayaa qaar kamid ah beeraleyda gobolka Gedo ka qaatay dawooyinka beeraha lagu bacrimiyo.

Beeraleyda ayaa isku diyaariyay abuurka beerahooda kadib markii xilli roobaadka uu bilaawday iyagoo dawooyinka beeraha lagu bacrimiyo ka helay hay’adaha gar gaarka ee ka shqaqeeya Somalia.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sidoo kale weerar ku qaaday xaafad kutaala gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay dadka deegaanka si xoog ah uga dalbadeen inay isku dardaraan maciishad iyo adeegyo kale oo kala duwan.

Sahaayda gargaarka ayaa beeraleyda waxaa todobaadkii lasoo dhaafay siiyay hay’adaha gar gaarka.

Kamal Abdi oo kamid ah beeraleyda Yaanyada ayaa sheegay in afar kamid ah maleeshiyaadka ay weerareen hoygiisa xilli uu ku maqnaa beertiisa.

Waxa uu sheegay in maleeshiyaadka ay ka qaateen dhammaan daawooyinkii lagu bacriminayay beeraha,iyagoo sidoo kale kufsaday gabar yar uu dhalay oo uu, uga tagay hooyga.

Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay inay ka shaki qabaan in maleeshiyaadka ay daawooyinka bacriminta beeraha ay ka sameeynayaan qeyb kamid ah waxyaabaha qarxa.

Al-Shabaab ayaa ku can baxday inay qaraxyada dhulka la galiyo u adeegsato ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM xilli AMISOM ay walaac xoogan ka muujisay.

Dadka deegaank ayaa laamaha ammaanka ka dalbanaya inay soo fara geliyaan arrintaas isla markaana ay ka ilaaliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this