Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay iska-hor imaad ka dhacay xerada Gen.Goordan

Recommended Posts

Deeq A.   

Gorod-1.jpg?resize=640%2C427

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka tirsanayd Xerada Jeneraal Gordan oo isku dayey in ay halkaas kala baxaan saanad iyo agab ciidan oo ku xeraysaana keydka xeradaaasi

Taliyaha ayaa xaqiijiyey in is-rasaaseyn ay ka dhacday xerada kaddib markii ay halkaas soo gaareen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo la faray in ay gacanta ku soo dhigaan askartan ku kacay falkaas aan lagu aqoon Ciidanka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Xoogga Dalka waxa ay hadda gacanta ku hayaan askartii iyo Saraakiishii ka danbeeyey dhacdadaan, inkastoo ay tira ahaan aad u yaryihiin haddana waa mid aan marnaba la qaadan karin, waxaanna ballan qaadeeynaa in aan hor keeni doonno sharciga.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa xusay in ciidanka Soomaaliyeed markasta ay aaminsanyihiin qadiyadda ay u dagaalamayaan in ay tahay difaaca karaamadooda iyo qarannimadda waddankooda, gacan bir ahna ay ku qaban doonaan askari kasta oo ka leexda waajibaadkiisa Qaran.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay iska-hor imaad ka dhacay xerada Gen.Goordan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this