Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo sheegay waxa uu jecel yahay ee uu doonaayo inuu mar qura arko

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Xasan Cali Kheyre, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida ay dooneyso Xukuumadiisa iyo xaalada dhabta ah ee uu ku jiro dalka.

Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu tilmaamay in Xukuumadiisu ay culeyska saareyso rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna cadeeyay in wakhti badan uu siinaayo sida Somalia looga ciribtiri laha Al-Shabaab iyo Gaajo.

Waxa uu sheegay in Xukuumdiisa aysan laheyn indho aan aheyn la dagaalanka Al-Shabaab, Nolol xumo iyo Gaajo, waxa uuna cod dheer ku sheegay in waxaasi dhan ay imaanayaan is aaminaad darro ka dhex dhalata Umadda iyo madaxdooda.

Waxa uu Ra’isul wasaaruhu sheegay in dal waliba oo dhibaato ku jira ay sabab u yihiin dadkiisa oo aan laheyn rajo, isla markaana aan isku muujin tanaasul, kala danbeyn iyo adeecida Madaxdooda ugu sareysa.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa cadeeyay inuu ku haminaayo in mar qura uu arko Somalia oo ka guurtay dhibta iyo rafaadka isla markaana u guurtay Nolol, Xasilooni iyo Hormar dhan waliba ah.

‘’Qof waliba waxa uu ku hamiyaa wax markaa uu doonaayo,anigu waxaan ku haminayaa inaan mar qura arko Somalia oo ka guurtay dhibta una guurtay xaalad degnaansho, waayo wadamada heerka ka gaaray nolosha iyo amniga nagama aqli badna waa inaan la imaanaa xisaabtan’’

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sidoo kale sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed laga doonaayo inay la imaadan wado waliba oo ay ku gaari lahaayen Somalia oo la tartameysa caalamka.

Sidoo kale, Kheyre ayaa ku taliyay inaan lagu sirmin dhaleeceenta ay baahinayaan waxa uu ugu yeeray dal dumiska oo uu ula jeedo shaqsiyaadka aadka uga soo horjeeda Somalia oo usii talaabeysa jihada uu ka xigo horumarka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this