Sign in to follow this  
Deeq A.

imaaraadka oo Maamulka Somaliland ka raali galiyey hadalkii wasiir Dowlaha imaaraadka iyo Wafti gaadhay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa gaaray wafdi ka socda dowlada Imaaradaka Carabta, wafdigan ayaana kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay arimo badan oo muhiim ah ay kamid aheyd xoojinta xiriirka labada dhinac iyo hadalkii dhawaan kasoo yeeray Wasiiru Dowladaha Arimaha Dibada Imaaraadka .

Halkan Akhriso War Saxaafadeed Madaxtooyada Somaliland kasoo saartay kulankan

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaaran oo ka socda dalka isu-tagga imaaraadka carabta oo ka kooban 12 xubnood.

Kulankan dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo weftiga, waxa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin:-

1. Weftiga Imaaraadka carabtu waxay madaxweynaha u muujiyeen in dal ahaana ka xumadeen hadalkii wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda imaaraadka ee sida qaldan loo turjumay, waxaanay sheegeen in ay qoraal rasmi ah kaga soo jawaabi doonaan arrintaasi.

2. In Imaaraadka carabtu ay Somaliland ka caawiyaan adkaynta amniga, kana taageeraan ciidamada dhinaca qalab iyo tababarka.

3. In Imaaraadka carabtu ay ogollaadeen iibsiga xoolaha nool ee Somaliland, iyadoo si toosa loogu dhoofin doono imaaraadka.

4. Madaxda dalka imaaraadka carabtu waxay muujiyeen sida ay dal ahaan uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo cadowga labada dal ku sifeeyey kuwo ka xun xidhiidhkooda isla markaana miciin biday warar qaldan oo qaybo ka mida warbaahinta la mariyo.

Madaxweynaha  Somaliland, wuxuu ku bogaadiyey weftiga imaantinkooda, isagoo uga mahadnaqay sida fiican ee wax ku oolka ah ee ay uga soo jawaabeen qaybihii ugu horreeyey ee ballan-qaadyada waqtigii madaxweynuhu safarka ku tegay dalka UAE, isaga oo si gaara ugu mahadnaqay fursadda ay siiyeen ogolaanshaha Baasaboorka Somaliland ee dal-ku-galka imaaraadka carabta, wuxuuna soo dhaweeyey fulinta qodobaddan muhiimka u ah qaranka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Waxa uu weftiga u ballan-qaaday in xukuumadda uu gar-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah, isla markaana uu xidhiidhkaasi noqdo mid midho dhal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this