Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somalia oo la Magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorashada-guddoomiyaha-cusub.jpg?resize
Muqdisho (PP) ─
Guddoonka Baarlamaanka Somalia ayaa soo bandhigay Magacyada xubnaha guddiga qaban-qaabada doorashada ee guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka doodaya xubnahaan la magacaabay  oo ka kooban 15-xubnood, Waxaana dood ka dib la filayaa in xildhibaannada golaha shacabka ay meelmariyaan.

Kursigan oo hadda ay sheegeen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya inay u taagan yihiin qabashadiisa ayaa waxaa iska-casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasoo is-casilaadiisa ay ka dambeysay khilaaf in muddo ah soo jiitamayay.

Sidoo kale, xilka guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Smalia ayaa waxaa isku soo taagay dhawr musharrax oo ay ka mid yihiin; Wasiirka Difaaca DF, Maxamed Mursale Sh. C/raxmaan, Xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow, Xil. Sheekh Aadan Madoobe, Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Somalia Sharif Sheekhunaa Maye iyo xubno kale.

Ugu dambeyn, Haddii xubnahan la meel-mariyo waxaa lagu wadaa in lagu soo doorto guddoomiyaha cusub muddo 15 casho gudaheed ah oo iyadoo laga soo billaabayo muddadaas markii uu is-casilay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka.

Haddaba, AKHRISO: Magacyada Guddiga Doorashada Guddoomiyaha BFS;
Guddiga_Doorashada_Guddoomiyaha_Cusub_BF

PUNTLAND POST

The post Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somalia oo la Magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this