Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ka qeybqadan doona wadahadalada Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay mar waliba diyaar u tahay inay dhex dhexaad ka noqoto khilaafyada ka dhexeeya dowladaha Khaliijka.

Wasiirku waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay mar waliba u taagan tahay dhex dhexaadnimo, bacdamaa aysan awood u laheyn inay taageerto dhinac gaar ah.

Mar wax laga weydiiyay suuragalnimada in Somalia ay wadahadal la gasho dowlada Isutaga Imaaraadka carabta, ayaa waxa uu sheegay in iminkaba uu socdo dadaalka wadahadalka.

Waxa uu tilmaamay in wadahadalka ay ka qeybqaadanayaan dowlado dhowr ah, waxa uuna ka carab ***** dowlada Ethiopia, Masar iyo Sacuudiga oo uu sheegay inay qaadan doonaan kaalintooda.

Wasiir Cawad, waxa uu farta ku goday in dowlada Somalia ay ka feejignaan doonto wax waliba oo caqabad ku ah Horumarka, Amniga iyo Xasiloonida dalkeeda, sidaa aawgeedna ay uga hor imaadeen talaabooyinka qaar.

Sidoo kale, dowlada Somalia ayuu sheegay inay aqbaleyso dowlad waliba oo dooneysa inay dhex dhexaad ka noqoneyso wadahadalka waxa uuna dhankiisa ka sheegay in Somalia ay qudheeda ka qeybqaadan doonto in la gaaro xal degdeg ah.

Haddalka Wasiir Cawad ee ku aadan in wadahadalka Somalia iyo Imaaraadka ay kaalin weyn ka qaadaneyso Ethiopia iyo Sacuudiga ayaa kusoo beegmaya xili ay dowlada Somalia ay qarka u saran tahay inay xiriirka u jarto Imaaraadka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this