Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u bilaabeyso wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in guul laga gaaro Wada-hadalka u dhaxeeya Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dhawaan dib loo bilaabi doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

“Xukuumadda Soomaliya iyo tii hore ee jirtay waxa ka go’naa in shacabka Soomaliyeed ay heshiiyaan, waxaa naga go’an in Somaliland ay kamid noqoto Soomaaliya, waxaa laga shaqeyn doonaa in la xaliyo tabashooyika Somaliland, Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaa dhankooda ka go’an in la qanciyo Somaliland”, Axmed Ciise Cawad.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Somaliland ay shaacisay in la hakiyay wada-hadalkii Somaliland iyo Somaaliya, kadib markii dowladda Soomaliya ay kasoo horjeysatay Heshiiska Dekadda magaaladda Berbera.

PUNTLAND POST

The post Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u bilaabeyso wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this