Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Wasiir Beyle oo ka hadlay lacagta Imaaraadka looga qabtay Garoonka ee ku jirta Bankiga Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaallka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagtii lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Bayle, waxa uu sheegay lacagtaasi ilaa hadda in ay gacanta ku heyso Dowladda Federaalka, lana geeyay Bankiga dhexe ee Soomaaliya, halkaasi oo lagu hayo.

Wasiir Beyle ayaa yiri “Lacagtaasi Diyaarad bay la socotay, lacagtaasina meel ay ku sooctay lama garaneyn, wadankana Xiisad ayaa ka taagneyd, marka lacagtaasi waala joojiyay, waxayna taalaa Bankiga Dhexe, wada hadalkeeda ayaa lagu jiraa, waa suuragal in la celiyo.”

Waxa uu Wasiir Beyle sheegay in ay jireen lacago bil waliba uu Imaaraadka Carabta dalka keeni jiray, balse lacagahaasi Dowladda lagu soo wargelin jiray, wuxuuna tilmaamay in lacagtan aanan cidna lagu soo ogeysiin, taasina ay keentay in la qabto.

Waxa uu tilmaamay inuu u socdo wadahadal ay labada Dowladood ka galayaan lacagta si dhinac loogu tuuro lacagta uu muranka ka taagan yahay.

Imaaraadka Carabta oo arrintan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in lacagtaasi ay mushaar ahaan u siin rabeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Puntland.

Dhinaca kale, Imaaraadka oo u muuqday inuu ka jawaabayay falkan ayaa joojiyay Barnaamijkii tababarka iyo taageerada ku aadanaa ee uu siin jiray Ciidanka Soomaaliya, wuxuuna xiray xerooyinkii iyo Isbitaaladii uu ku lahaa Muqdisho.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this