Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo shaacisay magacyada iyo sawirada rag lagu tuhmayo Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Saraakiisha Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay magacyada iyo sawirrada Saddex Dhallinyaro ah oo looga shakiyay inay u goosteen urura Al-Shabaab.

Ragga Kenya ay baahisay magacyadooda iyo sawiradooda ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mohamed Abdalla Asman oo loogu yeero Papa ama Raymond, Hamis Hemed oo loo yaqaano Baloteli iyo Ali Ahmed Ali.

Madaxa Isgaarsiinta Ciidanka Booliska Kenya, Charles Wahong’o ayaa waxa uu sheegay xubnahan in la waayay xilli hore oo Arbacadii ah, kadibna la ogeysiiyay laamaha ammaanka.

Maxamed Cabulaahi Asman oo loo yaqaano Papa, Xamasi Xamad iyo Cali Axmed Cali, kuwaas oo ka yimid gobolka Malindi Kilifi ee dalka Kenya.

Kenya-1.jpg?resize=640%2C480&ssl=1

Saraakiisha ciidamada Booliiska ayaa tilmaamay in ragaan ay gaareen xerooyinka taba barka ee Al-shabaab, kuwaas oo ay sheegeen in loo diyaariyay in ay weeraro ay ku qaadaan gudaha dalka Kenya.

Dhankale macalimiinta kenyanka ah ee wax ka dhiga gobolka waaqoybari ee Soomaalida Kenya ayaa sheegay in wal wal xoogan ay ka qabaan qatar kaga timaada dhanka Al-shabaab.

Macalimiintaan ayaa hadda joojiyay shaqii ay hayeen, waxayna sheegeen in ay dhaliilsan yihiin amniga gobolka, taasina ay ku tilmaameyn in ay u suuragalineynin in ay sii wasdaan howlihii warbarasho ay ka wadeen gobolka.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ay Al-Shabaab ka geystaan gudaha Kenya ayaa ka dhacay 16-kii February ee sanadkan Iskuul ku yaalla magaalada Wajeer, halkaas oo ay ku dileen Afar Macallin iyo Haweeneey u dhaxday mid ka mid ah Barayaasha.

Ciidanka Booliska Kenya ayaa howlgaladii ay xilligaasi ka fuliyeen degaanka Merti, oo ka tirsan Gobolka Isiolo waxa ay ku soo qabten 36 Garnayl, 18 ka mid ah aaladaha qaraxyada laga sameeyo ee IED-ga loo yaqaano iyo 5 Qori oo ah nuuca AK-47 ah.

Shabaab ayaa waxa ay kordhiyeen weerarada sida joogtada ah uga gaystaan gudaha dalka Kenya, wixii ka dambeeyay markii Kenyan-ka ay soo galeen gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this