Dahireeto Posted April 18, 2018 MUQDISHO – Waxaa la sheegayaa in dekada weyn ee magaalada Muqdisho uu kusoo xirtay Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta,taasoo la doonayo in lagu raro alaab ay leedahay Imaaraadka oo maalmihii u dambeeyay laga soo daabulayay xarumaha ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Wararku waxa ay sheegayaan in alaabo waaweyn oo ay ku jiraan kunteenaro lagu rari doono kuwaasoo kamid ahaa agabyo ay Imaaraadka Carabta kala baxayaan magaalada Muqdisho. Madaxda Safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in maamulka dekada ay u gudbiyeen warqad ogolaansho ah oo laga soo siiyay Wasaaradda amniga,taasi oo loogu fasaxay inay rartaan alaabtooda. Waxaa la arkayay labadii maalmood ee u dambeysay gaadiidka xambaara kunteenaro oo agabyo ka raraya xerada Tababarka ee Jeneraal Gordon oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Sida la sheegay waxaa xarunta Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho la isugu geeyay agabyadii yaalay xerada tababarka ee Gordon iyo alaabihii yaalay xarumaha caafimaadka. Agabkan ayaa lagu wadaa in laga raro dekada weyn ee magaalada Muqdisho,halkaasoo uu taagan yahay Markabku. Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii u dambeeyay xiriirkoodu ahaa mid sii-xumaanayay ,taasoo keentay in Imaaraadka Carabta uu joojiyo taageeradii uu siin jiray Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites