Sign in to follow this  
Deeq A.

Jen Morgan ‘’Waxan u Taaganahay Xilka Madaxweynaha Puntland 2019 ‘’

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso-[Puntland Post]-Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo soo noqday Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadii Kacaanka Soomaaliya, ahna Jeneraal Milateri ayaa kaga dhawaaqay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, in uu yahay musharax u taagan xiilka Madaxweynaha Puntland  doorashada nagu soo aadan ee dhici doonta bilowga sannadka 2019-ka.

Jeneraal Morgan ayaa sheegay in ay isku sharaxay sidii uu Puntland uga bedeli lahaa marxalado badan oo ay maanta ku sugan tahay, gaar ahaana wuxuusi gaar ah uga hadlaya Amaanka oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin kabaayasha iyo horumarinta ilaha dhaqaale ee dal kasta leeyahay.

Musharaxu waxa sida oo kale uu ka hadlaya shaqo abuur uu sheegay in uu u sameyndoono dhalinyarad reer Puntland oo ka cabanaya shaqo laan baahsan.

Morgan  wuxuu sheegay in uu aqbalay dalab uga yimid Shacab badan oo kunool mandiqada Puntland, ayna ka codsadeen in uu noqdo musharax Madaxweyne, si loogu doorto xilka Madaxtinimada waqtigan oo ay mandiqadu ku jirto marxalad xasaasi ah.

Hoos ka Daawo Muuqalka 

Jeneraalkan oo aysan inta badan jecleyn deriska Puntland ee Somaliland ayaa musharaxnimadiisa ku soo beegay waqti ay is horfadhiyaan ciidamo ka kala socda labada maamul, oo cabsi laga qabo in ay ku dagaalamaan gacan kuheynta gobalka Sool.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso

 

The post Jen Morgan ‘’Waxan u Taaganahay Xilka Madaxweynaha Puntland 2019 ‘’ appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this