Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay yihiin ciidamada ka socda dalka Sierra lion ee Maanta soo gaaray Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) _ Ciidamo Boolis ah oo ka socda dalka Seirra Leone oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la geeyay magaalada Kismaayo, kuwaasoo qeyb ah howl galka AMISOM.

Ciidamadan oo gaaraya 145 Boolis ayaa noqonaya ciidamadii ugu badnaa ee Booliska AMISOM, waxaana ay la howl geli doonaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Dhamaan 145-ta Askari waxaa ay u Safreen magaaladda Kismaayo si ay ugu biiraan 15 Sarkaal oo horudhac u ahaa oo horay halkaaas u tagay.

Waa tiraddii ugu badneeyd ee Ciidammo Booliis ah oo Sierra lion ay Soomaaliya keento tan iyo markii uu Biloowday Howlgalka 11 jirsaaday.

Ciidamadaan dheriga ah waxaa lagu keenay Dalab uu sameeyay Golaha Amaanka ee QM oo ku xusnaa Qaraar soo baxay 2017kii, kaasi oo goluhu uu ku dalbaday in Ciidamada Booliiska ee AMISOM lagaarsiiyo 1040 Askari.

“Imaanshahoodu waxa uu xoojin doonaaa Ciidamada Booliiska Maamulka Jubaland, 2016 kii waxaan tababarnay 600 oo booliiska jubbaland ah Ciidamadaan sierra lion-na waxay ka caawin doonaan in ay xoojiyaan howlahooda amaan sugidda, ayey tiri Christine Alalo oo ah kusimaha Taliyaha Booliiska AMISOM.

Waxay uga mahad celisay Dowladda Sierra lion in ay Ciidammo keentay Soomaaliya si ay uga qayb qataan Dadaaladda xasilinta ee  Dalka ka socda.

AMSOM ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay laban laabeeyso Dadaaladda ay ku qoraneeyso Ciidamo cusub oo Booliis ah waqtigaan oo lagu jiro kalaguur uu Howlgaku Ciidamadda Soomaaliya ugu wareejinayo Amaanka Dalkooda.

AMISOM oo Soomaaliya ku Jooga booliis yo military-ba ayaa 11 sano jirsatay, intii ay Soomaaliya jogeen waxay Ciidamadda Dowladda ka caawiyeen In ay Dhul badan ka qabsadaan Al-shabaab, inkastoo Xeel dheereyaasha military aaminsanyihiin in wali aan lagaarin Hadafyo Muhiim ah oo howlgalku lahaa.

4-8.jpg?resize=696%2C463&ssl=1 3-9-1.jpg?resize=696%2C463&ssl=1 2-9-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 1-9-1.jpg?resize=696%2C463&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this