Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Ciidamo Milatari ah oo lagu weeraray wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Deegaank Ilbaq oo dhanka Waqooyi ka Xiga Tuulada Gololeey Ee Degmad Balcad aya Sheegaya in Gaari ay Wateen Ciidamo katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ay Wadada u Galeen Ciidamada Alshabaab.

Wararka ayaa shegaya in Gaariga oo ahaa Nuuca ay Soomaalidu u taqaano Cabdi bile oo ay Wateen Ciidanka Dowlada ay Gubeen Alshabaab,Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiro Qasaaro kala duwan oo soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamay.

Ciidamada la weeraray ayaa la sheegay inay ka soo tageen degmada Mahaday iyagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho, waxaana weerar kedis ah ku qaaday maleeshiyaad wadada ku jirey kuwaas oo loo maleynayo inay ahaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal halkaa uu ka dhacay iyadoo qaar kamid ah ciidamada milatariga ay soo gaartay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada ku dhaawacmay iskahorimaadka ayaa la sheegay inuu ku jiro sarkaal madax u ahaa ciidamada degmada Mahaday kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyay Muqtaar Jareer.

Dagaalka ayaa weli wuxuu ka socda halka loo yaqaan Il-Baq,  waxaana lasoo sheegayaa in la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana goobta dagaalka gaaray ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa Degmada Balcad.

Xarakada Al-Shabaab ayaa maalmihi ugu dambeysay kusii xoogeysaneysay inta u dhaxeyso magaalooyinka Balcad Jowhar, waxayna halkaas ku qaadeen weeraro badan oo uu kamid ahaa mid khasaaro xooggan loogu geystay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Xarakada Al-Shabaab ayaa Gobolka Shabeelada hoose uga soo cararay duqeymo iyo weeraro ay dowladda iyo Mareykanka ka geysanayaan halkaas, waxayna xoogooda kusoo aruureen gobolada dhexe iyo Shabeelada dhexe.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this