Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu Farmaajo kusoo arkay Ex Xaruntii Kulliyadii Jaalle Siyaad?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay shalay gelinkii dambe Xaruntii Kulliyadii Jaalle Siyaad oo hadda AMISOM Saldhig Militari ay ka dhigteen.

Socdaalka Madaxweynaha uu ku tagay Kulliyadii Jaalle Siyaad, ayaa waxaa ku wehlinaayay Taliyaha Ciidamada Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac (B.Goobe) abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Cabdillaahi Cali Caanood iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cutub ka mid ah ciidanka AMISOM ee Burundi salaan sharaf ka qaatay, wuxuuna kulan gaar ah la yeeshay wakiilka midowga Afarica ee Somalia Mr.Francisco Jose Maderia iyo saraakiisha ciidanka Burundi ee saldhiga u ah kuliyada Jaalle Siyaad, madaxweynaha ayaa ka xog waraystay xaalada xerada iyo dadaalada ciidanka Burundi ay wadaan kaasoo ku aadan howlgalka dowladdu ku cirib tirayso argagaxisada Al Shabab.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia Mr.Maderia ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inuu yahay masuul ay ka go’an tahay dhismaha ciidan xooggan uu dalka yeesho iyo in lasoo afjaro kooxda Al-Shabaab,wuxuuna tusaale usoo qaatay sida uu ugu soo guuray wasaradda Gaashaandhigga oo mudooyinkii danbe ku shaqaynayay.

Kulanka marka uu soo idlaaday Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay kuliyada Jaale Siyaad, wuxuuna ku amaanay ciidanka Amisom siday xilli kasta ugu heelan yihiin dowladda iney ku garab siiyaan sidii Al-Shabaab loogu adkaan lahaa.

Qeybaha ay ka kooban tahay Xarunta ayaa waxa uu Farmaajo ku arkay burbur iyo dayactir la’aan, waxa ayna guud ahaan Xaruntu tahay mid u baahan daryeel, maadaama ay dayaceen ciidamada AMISOM.

Farmaajo waxa uu sheegay inay dayactirayaan Xarunta isla markaana ay howlgalinayaan si looga faa’iideysto Xarunta.

1524031572-17164879345ad6e05453096-Madax

1524031576-17679773195ad6e0584537d-Madax

1524031580-8228804775ad6e05ccd9b1-Madaxw

1524031584-10675081635ad6e060191ce-Madax

1524031602-20957906295ad6e072994ab-Madax

1524031620-19135952325ad6e08478b21-Madax

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this