Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Jariifka Sharcidarada ah iyo Saamaynta uu ku yeeshay shaqadii kaluumaysatada Puntland ee Gobolka Garda Fuu

Recommended Posts

Deeq A.   

Tanb iyo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya Xeebaha  Soomaaliya waxaa si sharci daro ah uga kaluumaysanayay Maraakiib iyo doonyo Jariif ah oo laga leeyahay Wadamo ay kamidyihiin Iiraan , Yaman .

Meelaha uu ku badan yahay  kaluunka noocyadiisa kala duwan  ayaa waxaa ka mid ah Gobolka Garda Fuu ee Puntland , waxaana ku soo badanayay Doonyaha iyo Maraakiibta shisheeye ee jariifaya khayraadka uu Alle kumanaystay Gobolkaasi.

Kaluumaysatada ayaa sheegay in ay dhibaato ku qabaan  Doonyaha iyo Maraakiibtaasi Jariifaysa xeebaha Puntland  gaar ahaan xiliyada ay ku guda jiraan shaqo maalmeedkooda .

Qaar kamid ah kaluumaysatada ayaaba shaqadooda uga tagay dhibaatada ay kala kulmaan Maraakiibtaasi , waxaana isugu darsamay Abaarta iyo Jariifka sharcidarada ah  taas oo keentay  in ay yaraato shaqadii  kaluumaysiga inkastoo uu ka hoseeyo jariifka halkii uu joogay  intii udhexaysay 2016-2017kii .

Dadka kunool Gobolka Garda Fuul ayaa noloshooda intabadan waxa ay ku tiirsan tahay kharaadka kujira  bada iyo  Xoolaha nool.

Xeebaha Soomalaiya ayaa waxaa ku sugan Maraakiib dagaal oo laga leeyahay Wadamada Talyaaniga iyo Maraykanka  kuwaas oo sheega in ay la dagaalaman Burcad badeeda Soomaalida.

Hadaba  Halkan ka dhagayso Gudoomiyaha Gobolka Garda Fuu Maxamuud Axmed Caynab oo arimahaasi oo dhan Puntlandi.com uga waramay .

      Gudoomiye Caynab

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this