Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif Sheikh Axmed ,” Soomaaliya kama maaranto taageerada Imaaraatka Carabta.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay Xiriirka Qadiimiga ee ka dhexeeya Somalia iyo Imaaraadka, wuxuuna xusay inuu Xiriirkaasi soo taxnaa ka hor intaysan Dowlado ka hanaqaadin labada Waddan.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu tilmaamay in Burburkii Dowladeed ee Somalia kadib inay  Dowladda Imaaraadka taageeri jirtey Somalia, isla markaana ay Muwaadiniin badan oo Somali ah u qaxeen Imaaraadka, kuwaasi oo nolol wanaagsan ku haysta dalkaasi.

Mar wax laga weydiiyey Aragtidiisa ku aadan Heshiiska Iskaashiga Milliteri ee labada dal, waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Heshiiskaasi la saxiiday Madaxda Imaaraadka,  si loo tababaro Ciiddanka Somalia oo xilligaas dagaal adag kula jirtay Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna u mahad celiyey Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Khaliifa Bin Zaayid Al-nahyaani iyo Ku-xigeenkiisa, ahna Amiirka Dubai, Sheekh Maxamed Bin Raashid la saxiixday, kuwaasi oo uu xusay inay taageero ka geysteen Tababarka Ciiddanka Somalia iyo Dib-u-dhiska Hay’addaha Ammaanka.

Shariif Sheekh Axmed waxaa wax laga weydiiyey Khilaafka cusub ee u dhexeeya DFS iyo Imaaraadka, waxa uu sheegay inuusan Waayadan joogin Somalia oo uu ku noolaa Mandiqada, balse uu dhawaan tegay Somalia, lana kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu intaasi ku daray inay ka wada xaajoodeen Xiisadaha Taagan, isla markaana uu Aragti ahaan rumeysan yahay in loo baahan yahay in Khilaafka lagu xaliyo Wada-xaajood Diplomaasiyadeed, maadaama ay Somalia ka maarmi Karin Xiriirka dalalka Carabta iyo kuwo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this