Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog dheeraad ah oo ka soo baxaysa sababta loo xanibay galitaanka xarunta Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa hakin maalmo un ka hor lagu sameeyay galitaanka gudaha Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Hakintan ayaa la sheegay inay tahay mid la xiriirta cabsi dhanka amaanka ah oo soo foodsaartay ciidamada AMISOM ee ka howlgala xarunta.

Taliska ciidamada AMISOM ayaa saacadihii ugu danbeeyay la sheegay in ciidamada AMISOM ee ka howlgala gudaha xarunta ku war galiyay feejignaan dheeri ah.

Taliyayaal ka tirsan Taliska oo kulamo wada jira la qaatay Saraakiisha maamusha ciidamada ciidamada gudaha ayaa sheegay inay jiraan Hanjabaado kaga imaaday dhanka Al-Shabaab.

Waxa ay taliyayaasha sheegen inay sii kordheyso Hanjabaadaha is dabajooga ah ee kaga imaanaya Al-Shabaab, sidaa aawgeedna la doonaayo in la muujiyo isbedel dhanka amaanka ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa dabayaaqadii Bisha December ee 2014 weerar taariikhi ah ku qaaday Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, taa oo u suuragalisay inay gacanta ku hayaan Xalane saacado badan.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer ku goodisay in xasal daro ay ka dhex abuureyso Saldhiga Lama-galaanka ah ee Xalane oo ah Saldhigga u weyn ee AMISOM iyo tababarayaasha reer galbeedku ku leeyihiin Muqdisho.

Talaabadan oo idil ayaa kusoo beegmeysa kadib markii Taliska AMISOM ay soo saaren amar lagu xanibaayo galitaanka Xarunta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this