Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Wasaarada Dastuurka Puntland Oo Degmooyinka Puntland kawada kulamo Wacyigalin ah Oo ku saabsan doorasho ku timaada matalaad shacab

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaarada Dastuurka arimaha Fadaraalka iyo dimuqraadiyeenta Puntland ayaa kulamo wacyi galin ah oo ku saabsan qaabka ugu ha boon ee Bulshada loo gaarsiin karo doorasho ku timaada 1 qof iyo hal cod ayaa  waxa ay kawaday maalmahan  Gobolada iyo Degmooyinka Puntland , si loo helo mataal shacab oo dhab ah .

Mas,uuliyiin ka tirsan Wasaarada Dastuurka Puntland oo uu hogaaminayay  C/rashiid Maxamed Siciid Agaasumaha Guudh  ee Wasaarada Dastuurka Puntland ayaa dhawaan gaaray Degmooyin ay kamidyihiin  Dangoronyo , Boocame , Xarfo  iyo  qaybo kamid ah Gobolka Sool .

Madaxda Wasaarada Dastuurka Puntland  ayaa Bulshadii ay kula kul meen Degmooyinkaasi ay tageen waxa ay u sheegeen in ay xaq u leeyihiin in ay soo doortaan shaqsi ay laxisaabtamikaraan oo ku yimid rabitaan kooda .

Qaybaha kala duwan ee  Bulshdii ku dhaqneed Deegaamadii ay Wasaaradu  booqatay ayaa waxa ay soo jeediyeen talooyin dhowr ah oo lagu gaari karo Doorasho  qof iyo cod ah oo leh isla xisaabtan dhab ah.

Qaarkood ayaa qabay  fikir ah in  Doorashadan lagu gaari karo in ladhiso Asxaab siyaasadeed oo aan ku salaysan mabda Qabiil

Halkan ka dhagayso Dooda dhexmartay Madaxda Wasaarada Dastuurka Puntland iyo shacabka ku dhaqan Degmooyinkaasi .

 

      dooda shacabka iyo Wasaarada Dastuurka

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this