Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maamulka Galmudug oo dib u furay waddo xirneyd muddo 10 sanno ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusa-mareeb (Caasimada Online) – Wadadaan oo xiriirisa magaalooyinka Dhuusamareb ee caasimada maamul goboleedka Galmudug degmada Ceel-Buur, Ceel Dheer ilaa xeebta dheer ee Muqdisho oo mudo kabadan toban sano u xirneed sababa amni ayaa maanta waxaa si wada jira xariga uga jaray madaxa xukuumada Galmudug Shiiq Maxamed Shaakir Cali Xasan Iyo Wasiiru-Doowlaha Wadaaradda Arrimaha Gudaha Doowladda Federaalka Somalia Cabdulaahi Faarax Weheliye.

Xafladda furitaanka wadadaan, ayaa waxaa goob jog ka ahaa Odayaal Dhaqameed kasoo jeeda Deegaanadaas iyo Mauuliyiin katirsan Golyaasha Galmudug.

Ugaas Siciid Ugaas Maxamed oo ka mida nabadoonnada deegaanadda Galmudug ayaa ku tilmaamay Guul usoo hoyatay dadka deeganadaas maadaama Toban sano ka dib ay isku furmayaan isagoona rajo ka muujiyay in dib u dhis lagu sameeyo wadadaan.

Wasiiru-doowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Somalia Cabdulaahi Faarax Weheliye oo isaga 15 bishaan xilka xildhibaanimo loo doortay kadib Doorasho ka dhacday Magalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono wadadaas isla markaasna uu doowlada kala hadli doono sidii dhaqsi loogu dhisi lahaa wadadaan.

Madaxa Xukuumada Galmudug Shiiq Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Gabagabadii hadlay ayaa sheegay inay xooga saarayaan amniga wadadaan maadama deeganada intooda badan ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Dhanka kale, waxa uu ugu baaqay ganacsatada iyo qurba joogta Galmudug inay maal gashadaan degaannadooda.

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusa-mareeb

Caasimada@live.com

Koow.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 Labo.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 Seddax.jpg?resize=696%2C392&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this