Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jiro in 30 dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab lagu dilay Gobolka Hiiraan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saraakiisha ciidamada xooga Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ay la galeyn Al-shabaab, kuwaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Beladweyne , Maxaas iyo Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Af-hayeenka ciidamada xooga ee gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof oo la hadlay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka dileyn 30 dagaalame sidoo kalane ay ka qabsadeyn gadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Ciidamada xooga iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo is garab sanaya ayaa maalmihii dambe howgalo ka waday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Howlgaladaas oo  saraakiisha ciidamada waxay ku sheegeen in uu yahay mid Al-shabaab looga saaraayo deegaanada Hiiraan ay kaga sugan yihiin.

Howlgalada ayaa ka qabsoomay sida Afhayeenku uu sheegay Wadooyinka Shabaab oo isku xira Degmooyinka Baladweyne, Maxaas iyo Matabaan.

Sikastaba Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhaq dahqaaqyo cidian ay ka socdeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka hiiraan,waxana Saraakiishu ay sheegeen in ay ku doonayaan in Al-Shabaab ay uga saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this