Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Madaxweyne Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay lacagtii Imaaraatku lahaa ee Muqdisho lagu qabsaday iyo miisaaniyada ay Puntland ku leedahay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagtii  Imaaraatku lahaa ee dhawaan Muqdisho lagu qabsaday, isagoo sheegay inay ku leeyihiin saddex milyan iyo lix boqol oo kun oo dollar.

Madaxweyne Gaas oo wareysi uu siiyay VOA, ayaa sheegay inuu qadka taleefoonka kula xiriiray safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya, uuna uxaqiijiyay lacagtaas inay ku jirto miisaaniyada Imaaraatka ugu talo galay ciidamada badda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kadib la xiriiray madaxda dowladda federalka Soomaaliya uuna la wadaagay macluumaadka lacagtaan.

Dhinaca kale, madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay waajib tahay in dowladda federalka Soomaaliya iyo Imaaraatka dib usoo celiyaan xiriirkooda xumaaday, isagoo sheegay inaysan labadooda dowladdood marnaba kala maarmi karin.

Halkaan ka dhegayso codka madaxweynaha.

      Madaxweyne Gaas

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this