Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkada Isxilqaan oo jawaab kasoo saartay warar laga faafiyay mashruuca dhismaha waddada Garowe iyo Gaalkacyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Shirkada ku guulaysatay qandaraaska dhismaha Wadada Garowe iyo Gaalkacyo gaar ahaan inta udhexaysa Xarfo iyo Jalam ee Isxilqaan, ayaa soo saartay war saxaafadeed jawaab celin ah oo ay ku beeninayso warar laga faafiyay dhismaha waddada.

Nuqulka warsaxaafadeedkaan oo lasoo gaarsiiyay Warsidaha Puntlandi, ayaa lagu cambaareeyay warar ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta Puntland ka howlgalla, wararkaas oo ku saabsanaa in uu joogsaday mashruuca dhismaha waddada iyo in shirkadu ay la imaan weyday awoodii shaqo ee laga filayay, taasoo ay qandaraaska ku hanatay.

Shirkada Isxilqaan waxay cadeysay in gabi ahaanba wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna ummadda reer Puntland u cadeysay in howsha dhismaha uu meel wanaagsan marayo.

Shirkada Isxilqaan waxay tilmaamtay ujeedada laga leeyahay wararkaasi inay yihiin sidii loo fashilin lahaa mashruucaas qiimaha ugu weyn ugu fadhiya ummadda reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ayna ka dambeeyaan kooxo is bahaystay oo kasoo horjeeda danaha horumarka Puntland iyo in mashruucaan lagu guulaysto. Shirkadu waxa kaloo ay hadalkeeda ku dartay inay cadeymo uga fadhido warbaahinta wararkaan been abuurka ah daabacay.

Isxilqaan, mar ay ka hadlaysay dib udhaca mashruucaan waxay masuuliyadaas  dusha ka saartay madaxdii hore ee hay’adda wadooyinka Puntkand PHA iyo shirkada GIZ oo mashruucaan maalgelinaysa, waaxayna sheegtay inaan weli loosoo gudbin saxiixii mashruucaan.

Ugu dambayn, shirkada Isxilqaan waxay cadeysay inay ka go’an tahay in mashruucaan sida ugu tayada fiican loo fulinayo. Waxaa kaloo ay tilmaamtay inay adeegsanayso qalabka ugu casrisan aduunka, iyadoo dadkii qibrada u lahaana ay joogaan goobta dhismaha.

Waxay shirkada Isxilqaan hadalkeeda kusoo afjartay inaysan waxba ka hagrandoonin mashruucaan uuna ahaandoona mid ka wanaagsan qaabka la filayo.

Capture-3.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this