Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda federalka Soomaaliya oo bililiqaystay xaruntii Imaaraatku ku tababari jiray ciidamada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamadii Imaaraatka Carabta u tababara dowladda federalka Soomaaliya, ayaa boob iyo biliqo xoogan ugeystay Xarunta Dugsiga Tababarka Ee General Gordan oo ay dowladdu Imaaraatka Carabta gacanta ku haysay kuna tababari jiray ciidamada.

Ciidamada ayaa boobay agab milatari iyo qalabka kale oo ka koobnaa, Gaadiid Ciidan,Qalabkii tababarka ciidanka iyo Gaadiid kale ay isticmaali jireen saraakiisha tababarka.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa la arkayay saraakiisha Imaaraatka oo gaadiid Tareelayaal ah ku raranayay agabkii xarunta, laakiin islamarkiiba waxaa halkaas si xoog ah ula wareegay ciidamadii ay tababareen oo boob kula kacay agabkii goobta yiilay.

Xeradii ayaa haatan haawanaysa, waxaana saraakiishii Imaaraatka ay guud ahaanba faarujiyeen xeradaas, kadib markii dowladda Imaaaraatku ay shaacisay inay joojinayso taageeradii milatari ee ay siin jirtay dowladda federalka Soomaliya.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this