Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciraaq Oo lagu qabtay banaanbax ka dhan ah Weerarkii Syria

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Baqdaad ee Caasimada Dalka Ciraaq  ayaa maanta waxaa  ka dhacay Banaanbax balaaran oo looga soo hor jeeday Weerarkii dhawaan Syria ay ku qaadeen Xuluufada uu hogaaminayo Maraykanka.

 

Wadooyinka waawayn ee dalkaasi  Ciraaq ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad ufarabadan kuwaas oo wadooyinka ku gubay Calanka Mareykanka .

 

Shacabka dalkaasi Ciraaq  ayaa ku dhawaaqayay Ereyo ay ka mid ahaayeen ” jooji duqaynta Syria  aad ku hayso, taas oo ah midii  aad ku bur burisay  wadankeena  kuna riday dowladdii noo dhisneed  .

 

Mareykanka,France iyo UK ayaa  Syria ku eedeeyay in ay ka dambaysay weerarkii sunta loo adeegsaday ee ka dhacay Magaalada Duuma ,waxayna taasi ay keentay in Xuluufadan ay Weeraraan Xarumaha hubka kiimikada ay uyaalaan dowladda uu hogaamiyo Bashaar All-Asad.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this