Deeq A. Posted April 16, 2018 Senator C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille) , oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka dibada ee barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay mowqifka madaxweyne Gaas ee ahaa inayan jirin cid dowladda Puntland uga muhiimsan Dowladda Imaaraatka iyo taageeradeeda. Senator Jurille ayaa sheegay dowladda Imaaraatku inay tahay saaxiibka dhabta ah ee dowladda Puntland iyo shacabkeeda, Waxaa kaloo uu sheegay inay muhiim tahay in la kala ogaado cida mar walba ku garab taagan iyo kuwa gacan beena kuu haatinaya. “Intii Puntland ay soo jirtay iyo intii ka horeysay ee dowladdihii Soomaaliya ka jireen, taageerada Imaaraatka Carabta cid udhigaantaa ma jirto mana jiridoonto, waxaana fiican dadka reer Puntland inay dareenkaas ka mahad celiyaan,” ayuu yidhi Senator Jurille. Puntlandi.com Quote Share this post Link to post Share on other sites