Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo ka raali galiyey Emaaraatka Falkii loogu geystay DublamaasiyiintoodacGaroonka Diyaaradaha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

gaas-1.jpg

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo maanta booqdey Ciidanka Bada Puntland ayuu wuxuu ka hadlay Xiriirka Soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Isutaga Emaaraatka Carabta,isagoo Madaxweynuhu xusay in Emaaraatku yahay Wadanka kowaad ee Soomaaliya ay Xiriir dhow la lahayd Mudo dheer Ilaa hada.

Madaxweyne Gaas wuxuu Dowlada Emaaraatka iyo Shacabkoodaba uga tacsiyeeyey Falkii foosha xumaa ee loogu geystay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho horaantii bishaan April, Falkaas ayaa wuxuu ahaa mid ka baxsan Ansgara iyo qaynuunka Dublamaasiyadeed.

Madaxweyne Gaas wuxuu yiri ” Laba Dal oo Xiriir gacan leh qaladaad waa ka dhex dhacaan waxaan ka raali galineynaa Qaladkii Soomaaliya loogu geystey anagoo ka xun”

Wararka kale ee Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Emaaraatku ay dhowaan ka guuri doonaan Muqdisho tasoo ay jawaab uga dhigayaan Falkii loo geystey dublamaasiyiintooda.

Anshaxa iyo Qaynuunka u degsan Caalamka waxaa manuuca ah in la baaro Boorsooyinka Dublamaasiyiinta, laakiin Qaynuunkaas kama jiro, Falkii dhowaan loogu geystay Garoonka Aaden Cade Masuuliyiinta Emaaraatka ee Boorsooyinkooda lagama baxay lacagta wuxuu ahaa mid ay geysteen Dad aan Waxba ka aqoon Sharciga Dublamaasiyada.

Xalay oo Axada Waxay Emaaraatku jawaab ka bixiyeen Falkii loogu geystay Muqdisho waxayna gabi ahaan joojiyeen wada shaqayntii iyo kaalmadii ay Siin jireen Muqdisho.

Puntlandi
Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this