Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG-DEG:- Madaxweyne Gaas,” Ma jirto cid aan ku badalan karno Imaaraatka Carabta oo noo buuxin karta kaalintooda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goor dhowayd shir jiraa’id ku qabtay xerada ciidanka Badda Puntland ee kutaala duleedka Bosaso, ayaa cadeeyay inaanu jirin wax khilaaf ah oo dhexmaray dowladda Puntland iyo dowladda Imaaraatka.

Madaxweyne Gaas ayaa si cad u sheegay inaanu jirin cid dowladda Puntland ula siman dowladda Imaaraatka, waxaa uu hoosta ka xariiqay inay dowladdu Imaaraatku ka wada hadleen inay sii labo jibaaraan taageerada iyo tababarida Ciidamada Badda Puntland,

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Imaaraadku mashaariic malaayiin dollar ku kacaya ay Puntland ka wadaan, isagoo intaas ku daray inaysan jirin cid ay ku badalayaan kaalintooda ama buuxin karta

Dhinaca kale Madaxwayne Gaas waxuu beeniyey wararka lagu baahiyey saxaaafada iyo baraha bulshadu ku xiriirto, kuwaas oo ku saabsanaa inay saraakiisha Imaaraatku ka baxeen Puntland.

Goor dhow la socda codka madaxweynaha iyo macluumaad intaan ka badan.

SAWIRRO:

30724125_2125483221016187_82709119761005 30739288_2125483314349511_73751916674369 30705503_2125483397682836_71831941867854

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this