Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Soomaaliya oo soo saartay warsaxafadeed calaacal ah xilli Imaaraatku sheegay inuu joojinayo taageeradii xukuumada Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Villa Soomaaliya ayaa soo saartay war murtiyeed u muuqday calaacal oo ay kula hadlayaan dowladda Imaaraatka Carabta, taasoo iyana qaadatay go’aan ay ku joojinayso taageeradii ay ufidin jirtay dowladda federalka Soomaliya, iyadoo kaga jawaabaysa xad gudub loo geystay lacagteedii.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Villa Soomaaliya oo loo wakiishay wasaaradda arrimaha dibada ayaa lagu sheegay, in xukuumada federalku ay soo dhoweynayso maalgelinta kasta oo Imaatraatku dalka ka sameynayo iyadoo loo marayo hab sharci ah.

Waxaa kaloo qoraalkaan lagu sheegay in dowladda federalku iyo Imaaraatku ka wada hadleen lacagihii dhawaan lagu qabtay garoonka Aadan Cadde kadib markii UAE u sharaxay in lacagtaas ay ahayd maalgalinta ciidamada milatariga Soomaaliya.

Hadalka Villa Somaliya ayaan kusoo aadaya kadib markii dowladda Imaaraatka Carabta ay go’aansatay inay joojiso tababaradii milatari oo ay ufidin jirtay ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Halkan hoose ka akhriso.

30713273_2030853597155660_32759950968220

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this