Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Imaaraatka oo ku dhawaaqday inay joojinayso tababarada milatari ay ufidiso dowladda federalka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa go’aansatay inay joojiso tababarada milatari oo ay ufidiso ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Go’aankaan ayay Dubai uga jawaabaysaa xad gudubkii ay dhawaan dowladda federalku ku sameysay lacago maalaayiin dollar ah oo dowladda Imaaraatku lahayd, taasoo ciidamada amamanku si xoog ah kula wareegeen.

Imaaraadka Carabta ayaa ka digay xadgudubkii loo geystay lacagtoodii Muqdisho lagula wareegay inay dhaawici karto xiriirka diblomaasiyadeed iyo xiriirka ka dhaxeeya wadamada adduunka iyo heshiisyada ay saxiixeen labada dal.

UAE ayaa tababartay kumanaan katirsan katirsan ciidamada Soomaaliya tan iyo sannadkii 2014, iyadoo tababaradan ay qeyb ka yihiin kuwa la doonayo in kooxaha argigixisada lagu jabiyo iyo in ciidamada Soomaaliya loo diyaariyo inay la wareegaan ammaanka waddanka.

Go’aankaan UAE ku joojinayso tababarada ay siiso ciidamada dowladda federalka laguma xusin inuu saameynayo taageerada ay siiyaan dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federalka.

Imaaraatka ayaa horey u tababaray ciidamo tiradoodu gaarayso 2,407 askari oo Muqdisho ku sugan, waxaa kaloo intaas sii dheer inay Xamar ka dhistay xarumo ciidamada lagu tababaro iyo Isbitaalo.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this