Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaflad Heer sare loo agaasimay oo lagu caleema saaray Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan oo ka dhacday Carmo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta xaflad aan horay loo arag lagu qabtay magaalada Carmo ee gobolka Bari taas oo lagu caleema saarayey Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil taas oo ay ka soo qayb galeen dad kor u dhaafaya 2000 oo qof oo ka kala yimi daafaha Soomaaliya iyo caalamka kaleba.

Waxaa madasha ka soo qayb galay dhamaan madax dhaqameedyada dalka Soomaaliya iyo geeska Afrika ee ku abtirsada Afka Soomaaliga iyo madax kala duwan oo ka kala yimi qaybaha Soomaaliya sida dawladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, Waxaa xafladda ka qayb galay dhamaan madaxda sare ee Puntland oo uu hogaaminayey madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka mudane Cabdi xakiim Cbadulaahi Camey.

Madaxdii ka socotay Dawladda Federaalka waxaa hogaaminayey Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Abuukar Islow Ducaale waxayna ka koobnaayeen in ka badan Lixdan xubnood oo isugu jira Wasiiro iyoXxildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ka socda.

Xafladda oo ahayd mid lagu qabtay goob loo diyaariyey si qurux badana loo sharaxay, laga buuxshay dhamaan Aaladaha dhaqanka Soomaaliga, lehna mugweyn oo balaaran si xarago ahna ay madaxda kala duwan iyo marti sharaftu u fadhiyeen.

Waxaa goobta caleema saarka ka hadlay madax dhaqameed fara badan oo ka kala socday qabaa’ilka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan sida Koonfurta Soomaaliya, Waqooyiga Soomaaliya, Dhulka Soomaalida ee Itoobiya, Jabuuti, dhulka Soomaalida ee Kenya iyo kuwa kale oo ka yimi wadamada dibada.

Ducooyin iyo dardaarano kala duwan ayey madax dhaqameedku u soo jeediyeen Beeldaajaha cusub ee dhalinta yar iyaga oo Eebe uga baryey inuu u fududeeyo hawsha culus ee dusha laga saaray. Waxay kaloo madaxda dhaqanku sheegeen in  beesha masuuliyada weyn saartay Beeldaajaha ay ka soo baxaan waajibaadkooda kaga aadan taageerida iyo maqlida Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.

Xafladan waxaa laga daawanayey iyada oo toos ah dhamaan TVda dalka Soomaaliya iyo caalamka sida TVga weyn ee Aljazeera qabytiisa carabiga oo si toos ah xafladda u tebinaysay, dhamaan Warbaahinta Puntland iyo Soomaaliya ayaa iyaguna si toos ah xaflada looga socday.

Waxaa laysku raacay in xafladda ay ahayd mid aan horay uga dhacin deegaanada Soomaalida, si weyna loo soo agaasimay.

c1.jpg?resize=600%2C400

c2.jpg?resize=600%2C400

c3.jpg?resize=600%2C337

c4.jpg?resize=600%2C400

c5.jpg?resize=600%2C400

c6.jpg?resize=600%2C400

 

c8.jpg?resize=600%2C400

c9.jpg?resize=600%2C400

c10.jpg?resize=600%2C400

c11.jpg?resize=600%2C400

c12.jpg?resize=600%2C400

 

c14.jpg?resize=600%2C400

c15.jpg?resize=600%2C400

c16.jpg?resize=600%2C400

c17.jpg?resize=600%2C400

c18.jpg?resize=600%2C400

c19.jpg?resize=600%2C400

c20.jpg?resize=600%2C400

c21.jpg?resize=600%2C400

c22.jpg?resize=600%2C400

c23.jpg?resize=600%2C400

c24.jpg?resize=600%2C400

c25.jpg?resize=600%2C400

PUNTLAND POST

The post Xaflad Heer sare loo agaasimay oo lagu caleema saaray Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan oo ka dhacday Carmo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this