Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Boqor Buurmadow Oo Gaas iyo Muuse Biixi ka codsaday in lakala qaado Ciidamada isku hor fadhiyay Tukaraq iyo Gaas Oo Codsigaasi Sharuud Adag kuxiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqor Cismaan Maxamed Buurmadow oo ka mid ahaa Isimadii Dhaqanka ahaa ee  Caleemasaarka Beeldhaajaha Beesha Cali Saleebaan  uga yimid Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ,ayaa waxa uu ka hadlay xaalada Siyaasadeed  ee u dhexaysa Puntland iyo Maamulka Soomaaliland .

Boqor Cismaan ayaa sheegay in  Madaxweyne Muuse biixi iyo Madaxweyne Gaas uu kala hadlay in lakala qaado Ciidamada isku horfadhiyay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay gacanta ku hayaan Malayshiyaadka Soomaaliland .

Waxa uu sheegay in dadka labada dhinac dagan ay yihiin dad dhaqan iyo  ehelba wadaaga .

Dhankiisa Madaxwenha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo  ujawaabay Boqorka ayaa sheegay in Puntland marwalba ay Nabada jeceshahay  diyaarna ay utahay ,balse waa hadii uu kaa qaato Muuse Biixi taladaasi aad u soo jeedisay  ayuu ugu jawaabay  Boqor Cismaan Buurmadow Madaxweyne Gaas.

      Madaxweyne Gaas

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this