Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Villa Somalia oo ku fashilantay inay tashuush ku furaan taageerada Imaaraatku siiyo dowladda Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Villa Soomaaliya ayaa ku fashilantay iskuday ay ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan taageerada dowladda Imaaraatku siiso Puntland, sidoo kalena uu burburo xidhiidhka qotodada dheer ee ka dhexeeya dowladda Puntland iyo UAE.

24 saac ee lasoo dhaafay, ayaa warbaahinta lagusoo daayay kooxo faafinayay warar been abuur ah oo ku saabsan inuu Imaaraatku ka baxay Puntland iyo Puntland oo heshiis kula gashay dowladda federalka in taageerada ciidamada badda Puntland loo wareejiyo Xamar.

Warsidaha Puntlandi oo dabagal sameeyay ayaa ogaaday inaanu jirin wax khilaaf ah oo Puntland iyo UAE ka dhexeeya, islamarkaana aysan jirin qorshe Imaaraatku uga baxayo mandiqada Puntland, laakiin wararka la faafiyay waxay ahaayeen kuwo lagusoo beegay xilli saraakiil katirsan Imaaraatka oo shaqadoodu dhamaatay ay ka ambo baxayayeen Puntland.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Puntland ay dowladda Imaaraatku kala hadashay sidii loosii xoojin lahaa taageerada ay siiyaan Ciidamada Booliska Badda Puntland (PMPF) iyo in siyaasadaha Xamar ka socda aanu wax shaqo ah ku lahayn Puntland.

Sidoo kale, dowladda Puntland waxay cadeysay inaanu jirin wax ay kala socoto iyo wax ay ka ogtahay qorshaha Villa Somaliya wado ee ku saabsan in ciidamada Imaaraatku tababaray ay la wareegayaan masuuliyadooda, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga.

Dowladda Imaaraatku waxay ballanqaaday inay sii wadidoonto taageerada Puntland, iyadoo cadeysay inaanu waxba iska badelidoonin qaabki ay dowladda Puntland ula macaamili jireen.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxammed Axmed Othman Al Hammadi, ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Bosaso, si mowqif midaysan u wada gaaraan.

Puntlandi.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this