Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo jeediyey hanjabaadii ugu cusleyd

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay inay soo afmeerayaan awooda yar ee weli ku danbeysa maleeshiyaadka Xagjirka ah ee al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inaanu kusii fogaan doonin soo afmeerida al-Shabaab, balse ay ku qaadan doono billo aad u tirsama.

Waxa uu tilmaamay in weli uu ku taagan yahay mowqifkii ahaa in Somalia ay al-Shabaabka uga sifeyn doonaan muddo laba Sano ah, isla markaama ay hadda ku guda jiraan sida lagu qaadi lahaa weeraro ka duwan kuwii hore.

Madaxweynuhu waxa uu mar kale cod dheer ku sheegay in dowladda Somalia ay diyaar u tahay in ay dardargeliso dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab ee ka bilaabanaya Gobolada dalka Somalia.

‘’Al-Shabaab wey uga dhamaatay in dhibaatooyin danbe ay kusii hayaan Somalia, waxa uu go’aankeenu yahay inaan awood u adeegsano oo aan ka saarno dalka oo dhan’’

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha howlgallada Shabaab dalka looga saarayo uu yahay mid loo diyaar garoobay,isla markaana kaliya u baahan in loo dhaqaaqo.

Waxa uu xagjiriinta Somalia ee al-Shabaab ku sifeeyay Madaxweynuhu Cadowga koowaad ee kasoo horjeeda Somalia oo ku talaabsata Horumar iyo amni.

Sidoo kale, waxa uu ballanqaaday in dowlada Somalia ay fursado gaara siineyso maleeshiyaadka al-Shabaab ee doonaaya inay isku soo dhiiban dowlada.

Hanjabaada uu Madaxweyne Farmaajo u diray al-Shabaab ayaa sii kordhineysa tirooyinka jeer oo hanjabaad tan lamida uu u diray Shabaab, xili dhawaan uu iclaamiyay dagaal ka dhan ahaa argagixisada Somalia ee al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this