Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sacuudiga oo dhex dhexaadinaya dowladaha Somalia iyo Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimada Online) –Dowlada Sacuudiga ayaa daboolka ka qaaday inay ka qeybqaadaneyso dhex dhexaadinta Khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya dowladaha Somalia iyo Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa sheegay inay jiraan dhinacyo ka faa’iideysta Khilaafka dowladaha Islaamka, waxa ayna carab dhabtay inay wakhti badan galin doonaan xalinta Khilaafyada jira.

illo Diplomaasiyadeed ka tirsan Wasaarada arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sheegay inay wadaan dadaal waliba oo leysugu soo dhaweynkaro labada dal, waxa uuna carab ***** inay dhexdhexaad ka noqon doonaan khilaafka.

illo diplumaasiyadeedka waxa ay intaa ku darayaan in Boqorka sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis uu wada kulansiin doono Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo maalmaha nagu soo aadan gaari doona magaalada Riyadha iyo Madax kale oo ka bixi doonta magaalada Abu Dabai oo ku wajahan Riyadh.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Imaaraadka  Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, ayaa laba maalin un ka hor Dacwad ka dhan ah dowlada Somalia u gudbiyay Boqorka sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis oo isaga Siyaasad ahaan aad ula dhacsan Imaaraadka.

Muranka Diplomaasiyadeed ee labada dal ayaa cirka isku shareeray, kadib markii ay Ciiddanka Ammaanka ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Bishaan April 8-dii qabteen 9.6 million oo Dollar oo laga keenay dalka Imaaraadka Carabta.

Ma cadda waxa ay dhex dhexaadinta Sacuudiga ka bedeli doonto Xiisada Siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladaha Somalia iyo Imaaraadka oo iminka qar kala taagan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this