Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka caafimaadka Puntland oo shir guddoomiyay kulan heer caalami oo looga hadlayo dabar goynta cudurka Dabeysha

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Puntlandi) Wasiirka caafimaad dowladda Puntland, Dr. Cabdinaasir Cuuke, ayaa shir gudoomiyay shir caalami ah oo Nayroobi ka socda kadib markii wasaaradda federalka iyo wasaaraddaha maamuladu u wakiisheen inay shirkaas gudoonshaaaan.

Arinta laga hadlayay waxa ay ahayd sidii Soomaalia loogu wareejin lahaa mashruuca Polio program iyo qorsha saddexda sano sidii gacan looga siin lahaa dawladda muddadaas inta laga siinayo Waddanka shahaadada dabargoynta cudurka Polio.

Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa shirkaan ka jeediyay codsiga dowladda dhaxe waxaana uu sheegay inay dhisan yihiin oo awood ku filan leeyihiin  wasaaraddaha caafimaadka Soomaaliya.

Dr. Cabdinaasir Cuuke ayaa inta badan xooga saaray barnaamijyada hormarineed ee guud ahaan wadanka lagu dhisayo.Wuu bogaadiyey horumarka Somalia ka gaadhey joojinta faafidda Cudurka dabaysha, wuxuuna ballanqaaday inuu u qareemayo ilaa inta waddanka laga siinayo shahaada ciribtirka cudurkan.

Gabagabadii kulanka waxaa ka soo qayb galay argayga gaarka ah ee qarmada midoobee Micheal keating.

30711084_2140180289331367_24882453826020 30724842_2140180262664703_89340724242997

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this