Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo si caro leh uga hadlay Qaraxii ay Shabaab ka geysteen Garoonka Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo xalay la hadlayay Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay qarixii argagixisada Al-shabaab ay ku dileen dhallinyaro kubbad ku ciyaareeysay garoon ku yaala degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadawga kaliya ee maanta dalka dhibaatada ku haya uu yahay Alshabaab, loona baahan yahay in dowlad iyo shacab laga wada qeyb qaato sidii loo wiiqi lahaa.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Sida aad ogtihiin maanta Baraawe waxa ay ku qarxiyeen dhallinyaro aan waxba galabsan oo kubad iska ciyaaraya. Cadawga kaliya ee aan leenahay waa iyaga, waxaana u baahannahay wax ka yar labo sano oo aan isku duubni ula dagaalanno Alshabaab”

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday falkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Degmada Garoowe, isaga oo Alle uga baryaya dhaawacana inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this