Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul ka tirsanaa maamulka Puntland oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Maleeshiyada al-Shabaab ayaa toogasho ku dishay mas’uul ka tirsan maamulka Puntland, xili uu ku sugnaa Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Puntland.

Mas’uulkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Deeq Cali Hayaan oo maamulka ugu magacawnaa Xisaabiyihii Dowladda Hoose ee Gaalkacyo.

Axmed Deeq, ayaa markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbiatalka Magaalada Gaalakcyo balse markii dambe uu dhaawicii u geeriyooday.

Axmed Deeq, ayaa lagu dhuftay ku dhawaad Shan xabadood oo gabi ahaan ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, iyadoo dilka kadib ay goobta ka baxsadeen maleeshiyaadka.

Dilka kadib ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxa ayna halkaa ka qaaden Axmed Deeq oo xiligaa ahaa dhaawac.

Si kastaba ha ahaatee, deegaanada Puntland ayaa waxaa kusii kordhaaya dilalka iyo Qaraxyada ay geystaan maleeshiyaadka al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this